Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Maamulka Jubbaland oo ka hadlay shirkii uu madaxweynaha Soomaaliya ku dhawaaqay

Maamulka Jubbaland oo ka hadlay shirkii uu madaxweynaha Soomaaliya ku dhawaaqay

Maamul Goboleedka Soomaaliyeed eee Jubbaland ayaa soo dhaweeyay sheegayna inay ka qeyb-galayaan shirkii uu xalay iclaamiyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya Maxamed C/laahui Farmaajo.
Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay shir weyne Qaran oo Madaxda dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada uga furmayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug wuxuuna sheegay in diirada lagu saarayo arimaha doorashooyinka Soomaaliya ee Khilaafaadku hareeyay sidoo kalena uu dib u dhacu ku yimid Mudo agaasinkooda.
Wasiirka Warfaafinta Maamulka Jubbaland Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa sheegay in markii hore Puntland iyo jubbaland ay dalbadeen in shirkaasi la qabto, welina ay diyaar u yihiin qabsoomida shirka u dhaxeeya madaxda dowladda & Maamul Goboleedyada Xubnaha ka ah dowlada dhexe ee Soomaaliya.
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo uu muddo badan ka caga jiidayay inuu shirkaasi dhaco siduu hadalka u dhigay, isla markaana waqtigii loogu talo galay uu kasoo dib dhacay, hayeeshee ay dhankooda shirka ka qeyb-galayaan.
Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa kadib kulan uu Madaxtooyada kula qaatay wakiilada Beesha Caalamka waxaa uu ku dhawaaqay shir ka furmaya Maalinta Berri oo isniin ah Magaalada dhuusamareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug, kaasoo ay ka qeyb-galayaan Madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya & kuwa Maamul goboleedyada loogana hadlaya xalka gaarista khilaafka doorashooyinka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments