Dowladda India oo lagu eedeyay inay shacab barakicisay

0
562

Koox u doodda xuquuqda dhanka hooyga ayaa sheegtay in maamullada ammaanka ee dalka India ay intii u dhexeysay bishii saddexaad ee sanadkii hore ilaa bishii toddobaad ee sanadkan ay barakiciyeen in ka badan 250,000 oo qof.
Warbixin la soo saaray maanta oo khamiis ah ayaa waxaa ku cad in saacad kasta 21 qof ay muddadan hooy la’aan noqonayeen.
Ururka HLRN ayaa intaa ku daray in dhibaatooyinkan la gaystay xilli uu dalkaasi iyo si guud caalamka ka jiro cudurka faafa ee COVID19.
Sidoo kale waxaa warbixinta lagu xusay in malaayiin qof oo dheeraad ah ay halis ugu jiraan barakac maadaama maamullada ay isha ku hayaan sidii loo kordhin lahaa mashaariicda horumarineed si India uu uga jiro kobac dhaqaale.
Guriyaha la burburiyay ee India ayaa lagu sheegay in ka badan 43,000 iyadoo saraakiisha dusha laga saaray eedeyn ah in aynan adeegsan hab-raaca habboon oo ay ka mid tahay in dadka xilli hore digniin la siiyo.
Sidoo kale warbixinta ayaa tilmaamaysa in barakacayaasha badankoodu aynan dowladda dalka India ka helin magdhow.