Hogaamiyeyeesha Galmudug iyo koonfur galbeed oo Muqdisho gaaray

0
453

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya gaaray Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) oo ka yimid Magaalada Dhuusamareeb & Madxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed ( laftagareen) oo isna ka yimid dalka Turkiga.
Mas’uuliyiin ka kala tirsan labads Gole ee dowladda Soomaaliya ayaa Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho kusoo dhaweeyeen labada Madaxweyne maamul goboleed.
Warar ay warbaahintu heshay ayaa waxaay sheegayaan in ujeedka safarka labada Madaxweyne ee Muqdisho uu ku saabsan yahay khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ee hada taagan kaasoo laga cabsi qabo inuu saamayn ku yeesho geedi socoda doorashada amaanka dalka iyo guud ahaan xaaladaha siyaasadeed ee Soomaaliya.
Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa waxaa la filayaa inay tagaan Madaxtooyada Soomaaliya,oo kulamo gooni gooni ah ay la qaataan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, iyagoo kala hadli doona xalka gaarista khilaafka labada mas’uul iyo sidii loo dhameyn lahaa.