Madaxweynaha dalka ku yaalla waqooyiga Yurub ee Estonia Kersti Kaljulaid ayaa lagu wadaa in Kenya ay booqasho rasmi ah ee berri ku timaado.
Hoggaamiyaha dalka ugu sarreeya Mr. Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa inuu aqalka madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House ku qaabilo dhiggiisa Estonia.
Labada Mas’uul ayaa kawada hadli doono dhowr arrimood oo dan u ah Kenya iyo dalka ku yalla xuduudda badda Baltic-ga.
Booqashadan taariikhiga ah ee madaxweyne Kersti Kaljulaid ayaa noqonaysa midkii ugu horreeyay oo rasmi ah oo uu madax ka socda Estonia ku yimaado dal Afrikaan ah.
Afhayeenka aqalka madaxtooyada ee dalka Kanze Dena Mararo ayaa sheegtay in tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan booqashada madaxweynaha Estonia warbaahinta lala wadaagi doono.