Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo soo saaray liiska musharrixiinta Aqalka Sare

0
477

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Gudlaawe Xuseen ayaa maanta soo saaray Liiska Musharrixiinta ku tartamaya 8 kursi oo Maamulka Hirshabeelle ku matalaya Xildhibaannada Aqalka Sare.
liiska uu soo saaray Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa ka duwan Maamullada kale, waxaana jira qaar kamid ah kuraasta oo ay ku tartamayaan in ka badan Shan Musharax.
Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle ayaa u muuqda in uu ka dhabeeyay hadal uu dhawaan sheegay ee ahaa in uusan shaqsi u xiri doonin kuraasta Aqalka sare, waxaana dhamaan intooda badan liiska kasoo muuqday Xubnaha u sharraxan jagadan.