Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Mike Sonko oo laga hor istaagay inuu sii eedeyo Kibicho

Mike Sonko oo laga hor istaagay inuu sii eedeyo Kibicho

Maxkamadda dalka ayaa soo saartay amar barasaabkii hore ee ismaamulka Nairobi Mike Sonko looga hor istaagay inuu sii wado eedeymaha uu u jeedinaya xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Karanja Kibicho.
Tani ayaa timid ka dib markii uu Kibicho maxkamadda u gudbiyay cabasho ku aaddan in Sonko uu dhaawacaya sumcaddiisa isagoo la xiriirinaya falal dambiyeedyo dhacay sanado ka hor.
Sonko ayaa horay u sheegay in xoghayaha uu ka mid ahaa saraakiil dowladeed oo rabshado qorsheeyay 2017-kii.
Hasa ahaate xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka ayaa waxyaabaha loo tiiriyay iska fogeeyay isagoo ku tilmaamay bartilmaameedsi aan niyad wanaagsan laga lahayn.
Amarka maxkamadda waxaa soo saaray garsoore Mbogholi Msagha maalmo un ka dib markii uu Kibicho fariin ka qoray xarunta dhexe ee waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da.
Sonko oo lagu wado inuu berri tago xarunta DCI ayaa dhankiisa sheegay inuu hayo caddeymo wax ku ool ah oo uu u adeegsan karo eedeymaha ka dhanka ah Karanja Kibicho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments