Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Duqaymo ka dhacay gobolka Bakool

Duqaymo ka dhacay gobolka Bakool

Wararka ka imaanaya Gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan inay halkaas Xalay ka dhaceen Duqeymo diyaaradeedoo lala beegsaday Xarumo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Duqeymahaan dhinaca cirka ahaa ayaa waxaay ka dhaceen degaannada kala ah, Abag-beeday, Gobid-Galoole, Garasweyne iyo Moorogaabey oo Dhamaan tood ka tirsan Gobolka Bakool.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaay sheegeen in duqeymahaas lagu dilay Saraakiil iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, ayagoo tilmaamay in duqeymahaas ay qeyb ka yihiin sidii loo wiiqi lahaa awooda Al-Shabaab.
Habeen ka hor ayay aheyd markii degaano hoostaga degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool duqeymo diyaradeed ay ka dhaceen, iyadoo koonfur Galbeed ay sheegtay in duqeymahaas lagu dilay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.
Degmooyinka Gobolka Bakool ayaa waxaa muddo dhowr sano ah ay u go’doonsan yihiin Ururka Al-Shabab, waxaana taasi ay keentay inay dhibaatooyin culus soo wajahaan dadka ku nool Gobolkaas,kadib markii ay Xirmeen dhamaan wadooyinka agabyada kala duwan u soo marijireen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments