Weerar madaafiic ah oo lagu qaaday saldhig ku yaalla gobolka Bari

0
717

Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay xalay weerar madaafiic ah ku qaadeen Saldhig Ciidamada Dowlad Goboleedka Puntland ku leeyihiin degaanka Af-urur oo ku yaalla duleedka Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Goobjoogayaal ayaa ku warramay in ilaa ku dhawaad 10 madfac lagu weeraray Saldhigga, kuwaas oo ku dhacay Gudaha Saldhigga iyo hareerahiisa, balse aan weli la shaacin khasaaraha ka dhashay.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada Puntland ee ku sugan Saldhigga Af-urur ay dhankooda tiro madaafiic ah uga jawaabeen weerarka lagu soo qaaday.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa Warbaahinta u sheegeen in ay iska caabiyeen weerarkii madaafiicda ahaa ee lagu soo qaaday, hayeeshee aysan bixin faahfaahin intaasi si dheer.
Dhanka kale Al-Shabaab ayaa Baraha Internet-ka ee taageera ku qoray warar ay ku sheegeen inay madaafiicda la heleen Gudaha Saldhigga, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay.
Laamaha Amniga Gobolka Bari weli si rasmi ah ugama hadlin weerarka madaafiicda ah, balse waxaa xusid mudan in dhowr jeer weerar toos ah lagu qaaday Saldhigga Ciidamada Puntland ku leeyihiin degaanka Af-urur ee Gobolka Bari.