Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Madaxweyne Farmaajo oo shir wadatashi ah isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada iyo...

Madaxweyne Farmaajo oo shir wadatashi ah isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo oo tixgalinaya xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalkaasi iyo baahida loo qabo in la gudagalo qabsoomidda doorashadii lagu heshiiyey waxaa uu soo saaray go’aanadan:
1- Madaxweynuhu wuxuu shir iskugu yeerayaa madaxda Dowlad Goboleedyadda dalka Soomaaliya iyo Gobolka Banaadir.
2- Shirkaas waxaa lagu qabanayaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug.
3- Shirkan wadatashiga ah waxaa uu socon doonaa inta u dhaxaysa 1-da ilaa 3-da bisha Labaad ee sanadkan oo ay laba cisho naga xigto.
4- Shirka wadatashiga ee Madaxweynuhu isugu yeerayo Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxaa saldhig u ah heshiiskii 17-ka bishii Sagaalad ee sanadki hore laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
5- Madaxweynuhu isaga oo gudanaya waajibkiisa Dastuuriga ah wuxuu 5-ta bisha Labaad, 2021 shir degdeg ah isugu yeerayaa xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya, si uu warbixin uga siiyo xaaladda guud ee dalka iyo gaar ahaan doorashooyinka dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments