Muxuu maamulka Jubbaland ka yiri shaqo joojintii Fahad Yaasiin?

0
491

Qoraal kasoo baxay Maamulka Jubbaland ee koonfurta Soomaaliya ayaa lagu taageeray shaqo joojintii Rw Rooble uu ku sameeyay agaasimihii hay’adda nabad Sugidda iyo Sirdoonka qaranka ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
Waxaa lagu caddeeyay qoraalka in Jbubaland ay ku qanacsan tahay tallaabooyinka uu qaadey ra’iisul wasaaraha ee kaga jawaabay codsiyadii isdaba jooga ahaa ee ka imanayay qoyska, qaraabada iyo shacab weynaha Soomaaliyeed ee lagu dalbanayey sidii ay caddaalad ku heli lahayd Ikraan Tahliil.
Sidoo kale Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay u caddeynayaan Ummadda Soomaaliyeed in ra’iisul Wasaaraha uu mas’uul ka yahay Amniga doorashada iyo hirgelinta qorshayaasha Amni ee dalka Soomaaliya.
“Jubbaland waxay cambaareynaysaa mas’uuliyad darrada uu ku kacay MD MaxamAd Cabdullaahi Farmaajo ee uu ku xagal daacinayo go’aamada iyo mas’uuliyadaha Ra’isul Wasaaraha dalka, wuxuu Farmaajo si buuxda ugu bidhaamiyey ummada Soomaaliyeed iyo dunidaba in shakhsi uu kala weyn yahay Qaranka Soomaliyeed, dulmiga iyo cadDaalad darradana garab buuxa u yahay, taas oo horseedi karta carqaladeyn ku timaada hirgelinta doorasho xor iyo xalaal ah oo dalka ka qabsoonta” ayaa lagu yiri Qoraalka Maamulka Jubbaland.
Ugu dambeyn Maamulka Jubbaland ayaa ayaa ugu baaqay ummada Soomaaliyeed iyo hay’adaha amniga fulinta iyo raacida awaamiirta Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya, garab istaagaan cadaalada, Dowladnimada iyo ilaainta xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Golaha Midowga musharraxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa horaan soo dhaweeyay warsaxaafadeed Ra’iisul Wasaare Rooble uu xilka uga joojiyay Fahad Yasin.