Masaajidda magaalada Garissa ayaa shalay lagu tukaday salaad roob doon ah oo Alle lagu baryayay ka dib saameyn ka dhalatay abaarta daba dheeraatay in kastoo maalmahanba uu masaajiddada ka socday Alle bariga.
Sheekh Xuseen Cabdullahi waa imaamka masjidka wayn ee Ibnul Qayim ee magaalada Garissa waxaa uuna muslimiinta ugu baaqay inay Alle u towbad keenaan.