AKHRISO:Jawaabta Fahad Yaasiin ee rw Rooble

0
831

Taliyaha hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliye ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Dahir ayaa maanta la sheegey inuu kasoo jawaabey dalabkii Ra’iisul Wasaare Maxamad Xuseen Rooble oo shalay 48 saacadood u qabtay in warbixin dhameystiran looga keeno dilkii Ikraam Tahliil oo ahayd gabar dhallinyaro ah oo u shaqeyneysey hay’addasi.
Qoraal uu Fahad Yaasiin u diray Rw Rooble ayuu ku sheegay inuu doonayo in warbixinta uu dalbaday ra’iisul wasaaraha uu ka horjeediyo shir ay goobjoog ka yihiin Golaha Amniga Qaranka oo wad adhan. Golahan waxaa xubno ka ah; Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Taliyayaasha Ciidamada, Wasiirrada Amniga iyo Gaashaandhiga, iyo Madaxda Maamul-goboleedyada.
Fahad ayaa qoraalkiisa ku yiri “Anagoo fulinayna amarkaaga, maanakana ku hayna xasaasiyadda kiiska sarkaal Ikraan Taliil oo noqotay mid heer qaran, gudanayna waajibka naga saaran amniga qaranka, fahansanna in dhacdadaan ay si toos ah iyo si dadban u khuseyso xafiisyo iyo hay’ado kale duwan oo dowladda ka wada tirsan, xaqna u leh inay ogaadaan xaqiiqda dhacdadaan iyo xogta ay xambaarsan tahay warbixitaan aad naga dalbatay,ayaan waxaan si sharaf leh kaaga codsanaynaa in aan warbixintaan ka horjeedino Golaha Amniga Qaranka oo wada dhan, oo ay xubno ka yihiin hay’addaha iyo xafiisyada ay arrintan khuseyso”
Waxaa uu qoraalkiisa sii raaciyay oo yiri “Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranku waxay codsi rasmi ah u dirtay madaxweynaha Jamhuriga Federaalka Soomaaliya inuu fursad noo siiyo qabsoomidda shirka Golaha Amniga Qaranka, maadama uu yahay guddoomiyaha Golaha Amniga Qaranka, iyo Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida”
Fahad ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in macluumaadka la xiriira kiiska Ikraan Tahliil uu la wadaago Golahan, halkaasina lagu gaaro go’aanno.
Dadka Fallanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa qaarkood sheegay in taaabadan Fahad uu qaaday ay u muuqata mid uu ku doonayo in go’aanka laga gaarayo kiiska Ikraan aanu ku koobnaan Ra’iisul wasaare Rooble.