DHAGEYSO:Siyaasiinta gobollada waqooyi oo heshiis ka gaaray khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

0
381

Xubnaha siyaasiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi ee dalka Soomaaliya oo ay ugu horreeyeen guddoomiyaha aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi iyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guulled ayaa ku dhawaaqay inay ugu dambayntii xal ka gaareyn arinta la xiriirta khilaafkii hareeyay doorashada xubnaha labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ka soo galaya gobolada waqooyi.
Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa si rasmi ah u shaaciyay inay ka heshiiyeen Guddoomiyaha Aqalka Sare khilaafkii la xiriiray doorashada Kuraasta Gobollada Waqooyi.
Waxaa uu sheegay inuu guusha arrintaan laga gaaray uga mahad celinayo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Baashe Yuusuf Axmed oo uu tilmaamay inuu doorweyn ku lahaa heshiiska lagu soo afjaray khilaafka doorashada xildhibaanada waqooyi iyo sidoo kale Guddoomiyaha Aqalka Sare oo wax badan xeeriyay.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi gulled ayaa bogaadiyay heshiiskaan wuxuuna ugu baaqay siyaasiyiinta doonaya kuraasta labada Aqal ee ka soo jeeda gobolalda Waqooyi ee Soomaaliland in hadda loo jiheystay arrimaha doorashooyinka dalka lana doonayo in la sii anba qaado.
Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa dhankiisa sheegay in Mahdi Guuleed uu ka aqbalay xalka guud ee dalka sidaasina ay heshiiska ku wada gaareen.
Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Soomaaliya Baashe Yuusuf Axmed oo soo bandhigay heshiis ay gaareyn Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa sheegay in lasoo afjaray isfahan waagii jiray ee u dhaxeeyay labada Masuul ee ugu saraysa xubnaha siyaasiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Soomaaliland, sida ugu dhaqsiyaha badana loo guda gali doono doorashada xubnaha gobolada waqooyi.
Gudoomiyaha aqalka Sare ayaa sidoo kale wuxuu iclaamiyay shirweyne ay isugu imaanayaan waxgaradka iyo siyaasiinta ka soo jeeda gobolkaasi kaaso maalinka Talaadada ee toddobada bishaan Muqdisho ka dhici doona.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guulleed ayaa dhankiisa sheegay in guud ahaan wixii muran ahaa oo jiray la soo afjaray.
Gudoomiyaha aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa isana sheegay inay heshiis gaareen ayadoo u daynaya umada Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Soomaaliland.

Heshiiska ay maanta shaaciyeen gudoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya iyo ra’isul wasaare ku xigeenka xukuumadda ayaa ku soo aadaya xili doorashooyinka Soomaaliya uu ku yimid dib u dhac weyn ayadoo caqabadihii doorashada dib u dhigayna ay ka mid ahayd arrinta khilaafka siyaasiinta gobollada waqooyi.