Magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad Goboleedka Hir-shabeelle ayay wararku sheegayaan in Xalay lagu weeraray hoobiyaal waxaana la xaqiijiyay inay ku dhaceen gudaha xaafadaha Horseed iyo Hanti-wadaag.
Xaafadaha Horseed iyo Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar ayaa waxaa adegan mas’uuliyiinta HirShabeelle, waxaana si aad ah loo sugaa ammaankooda Inkastoo aan la xiijin Karin khasaaraha ka dhashay hoobiyaashaasi.
Wasaaradda Amniga gudaha ee Maamulka Hir-Shabeelle aya War kasoo baxay waxaa lagu sheegay in Ciidamada Amniga ay ka hirtageen hoobiyeyaal ay soo tuureen Al-Shabaab.
” Qaswadayaasha Al-Shabaab ayaa isku dayay ineey carqaladeyaan Amniga Caasimada Hirshabelle ee Jowhar kadib markii hoobiye kusoo tuureen, laamaha Amniga hirshabelle oo heegan kujiray ayaa goobahii eey kasoo tuureen gaaray iyagoo halkaas ka firxaday qaswadayashii, goobahii eey kasoo tuurena waxaa hada jooga ciidanka, mana jiro qasaaro ka dhashay ayaa lagu yiri, qoraalka Wasaaradda Amniga dowlad goboleedka Hir-Shabeelle.
Habeen kahor ayay ahayd markii weerar loo adeegsaday bambo gacmeed lagu weerar Xaafada Hanti wadaag oo ka mid ah Xaafadaha xalay la duqeeyay, iyadoona dhaawacyo uu kasoo gaaray seddex Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Hir-shabeelle, inkastoo mid ka mid ah Saddexdaasi Xildhibaan oo dhaawaciisa darnaa loo soo qaaday Muqdisho.