Boris Johnson oo cambaareeyay cunsuuriyad lagula kacay ciyartooy ka tirsan xulka qaranka Ingiriiska

0
673

Ra’iisul wasaaraha boqortooyada Ingiriiska Boris Johnson ayaa cambaareeyay faquuqa lagula kacay qaar kamid ah ciyaartooyda wadankiisa ku matasha kubbadda cagta ee kulankii xalay ee la ciyaareen dalka Hungary eek a tirsaneya cayaaraha loogu soo baxaya koobka adduunka ee qorshuhu in sanadka dambe lagu qabto dalka Qadar.
Waxaa uu xiriirka kubadda cagta ee adduunka ee FIFA ka dalbaday in ay talaabo ka qaado taageerayaasha xulka qaranka wadanka Hungary ka dib marki ay erayo cunsurinimo ku dheehan tahay ay kula kaceen qaar kamid ciyartooyda xulka qaranka Ingiriiska uu midabkooda yahay madow, ciyaar ku soo dhamaatay afar gool iyo waxbo oo ay guushu kuraacday xulka qaranka Ingiriiska.
Ciyaartoyda kala ah Raheem Sterling oo katirsan kooxda Manchester City iyo sido kale kubad sameeyaha kooxda Borussia Dortmund Jude Bellingham ayaa erayo cunsurinimo ah waxay kala kulmeen ciyaar ka dhacda garooonka xulka qaranka wadanka Hungary ee Puskas arena ee caasimadda Budapest.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here