DHAGEYSO:Maxay hooyada dhashay Ikraan Tahliil ka tiri warbixintii NISA?

0
803

Qaali Maxamuud Guhaad oo ah hooyada dhashay Ikraam Tahliil Faarax, ayaa iska diiday in gabadheeda ay dileen ururka Al-Shabaab.
Hooyo Qaali oo la hadashay laanta afka soomaaliga ee VOA-da ayaa sida ay hadalkeeda u dhigtay sheegtay in hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA ay ku raadgudanayso warkaan, iyagana ay mas’uul ka yihiin gabadheeda la la’yahay.
Waxay ku adkaysanaysaa in illa hadda uusan jirin war cad oo qeexaya xaalka gabadheeda geeri iyo nolol toona.

Dhanka kale C/raxmaan Tuunyare oo horay uga tirsanaa hay’ada NISA isna la hadlay Voa-da ayaa dhankiisa ka sheegay waxa ay ka dhigantahay warbixinta ku saabsan xaaladda Ikraan ee xalay ay soo saartay hay’ada NISA.

Xalay fiidkii ayay ahayd markii Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya ee NISA ay sheegtay in Ikraan Tahliil ay afduubteen Al-Shabaab, isla markaan ay dileen ayadoo warbixintaan lagu daabacay warbaahinta dowladda.