Waxaa maanta ismaamulka Nakuru lagu soo gabagabeynayaa tababar soo billowday 29-kii bishii hore oo ay qabanayso wasaaradda dowlad wadaajinta ee dalka.
Tababarka ayaa loo marayaa barnaamijka taageeridda nidaamka la daadajiyay ee loo yaqaano (KDSP) waxaana ka faa’iidaystay saraakiisha sar sare ee 38 ka mid ah ismaamullada wadanka.
Dowlad deegaanada ay mas’uuliyiin matalaya ka qayb galeen ayaa la soo xushay ka dib qiimeyn dhanka waxqabadka ah oo la sameeyay sanadkii hore.
Barnaamijka tababarka ee socday maalmihii la soo dhaafay ayaa looga gol-leeyahay in la soo saaro qorshayaasha maalgalineed ee ismaamullada iyo in sare loo qaado tayada la xiriirta aasaasidda iyo maareynta mashaariicda horumarineed.