Mudavadi oo xaqiijiyay inuu ka mid yahay tartamaaysha madaxtinimo ee 2022

0
584

Hoggaamiyaha xisbiga ANC Musalia Mudavadi ayaa kenyaanka si gaar ah taageerayaashiisa siyaasadeed u xaqiijiyay inuu ka mid yahay musharraxiinta xilka madaxtinimo ee doorashada guud sanadka 2022-ka.
Mr. Mudavadi waxaa uu xusay inuusan jirin wax isbeddel ah oo ku yimid hammigii uu sanado badan lahaa ee ah inuu la wareego hoggaanka ugu sarreeya dalka.
Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee Kenya ayaa tilmaamay in xisbiga uu madaxa ka yahay ee ANC uu u soo xushay tartanka madaxtinimada sidaas awgeedna uu magaciisa ka muuqan doono warqadda codaynta.
Waxaa uu meesha ka saaray sheegashooyinkii ahaa inuu hore u oggolaaday inuu taageerro musharrax kale ee u taagan jagada madaxweyninimo.
Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee dalka ayaa xusay in wadahadallada ku saabsan inuu ku biirayo isbahaysi kasta ay tahay mid ay go’aan ka gaari karaan xubinta ugu sarreysa ee xisbigiisa.
Ka dib markii isbaheysigii NASA meesha ka baxay ayuu Mudavadi ku andacooday in tani ay xor u siineyso inuu xoojiyo xisbiga ANC ka hor doorashada guud ee soo socoto.
Hadalkan ayuu jeediyay xilii uu la kulmay saraarkiisha ANC ee gobolka bartamaha dalka.
Saraakiisha uu kulanka la yeeshay Mudavadi ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonaan taageero u raadinta xisbiga ANC ee gobolka bartamaha dalka si loo hubiyo in Mudavadi uu ku guuleysto tartanka doorashada ee hoggaanka ugu sarreeya dalka ka dib marka uu dhammaado muddo xileedka madaxweynaha qaranka Uhuru Kenyatta.