Guddiga NCIC oo dabagal ku sameynaya isticmaalka baraha bulshada

0
654

Guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC ayaa sheegay inuu dabagal joogto ah ku sameyn doono qaabka ay kenyaanka u adeegsadaan baraha kala duwan ee ay bulshadu ku wada xiriirto.
Guddoomiye ku xigeenka NCIC Wambui Nyutu ayaa sheegtay inay waax gaar ah u xilsaareen arrinkan.
Waxay carrabka ku dhufatay in iyadoo la adeegsanaya siyaabo iyo agab casri ah la ogaan doono wararka been abuurka ama warbixinnada naceybka ku saleysan ee la faafiyo.
Mrs. Wambui ayaa wacad ku martay in tallaabo adag oo dhanka sharciga ah laga qaadi doono cidii lagu cadeeyo inay baraha bulshada u adeegsatay kicin dadweyne.
Waxay dhallinyarada ku boorrisay inay aad uga taxadaraan in siyaasiyiinta ay u adeegsadaan si aan habbooneyn oo ay ku fushanayaan danahooda gaarka ah.
Guddiga NCIC oo horay loogu dhaliilay inuunan si wayn ula tacaalin hadallada iyo qoraallada naceybka ku saleysan ee wax u dhimaya xasiloonida ayaa ballanqaaday inuu si buuxda u gudanaya waajibaadka dastuuriga ah.