Wasiirka Amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan oo warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaalkii dhexmaray Ciidanka uu Hogaaminayp iyo Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee gobolka Gedo Sugan.
WasiirkaJanan wuxuu sheegay in weerar lagu soo qaaday Ciidanka uu xukumo iyo sidoo kale dadka kunool Beledxaawo lagu geystay dhibaatooyin ay ka mid yihiin barakacin markii lagu dul dagaallamay,wuxuuna tilmaamay inay ka go’an tahay in gacantooda ay kusoo celiyaan degmada Beledxaawo, islamarkaana dhawaan ay qaadi doonaan dagaal rasmi ah oo ay qeyb galayaan dhammaan ciidanka uu hogaaminayo.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayuu ku eedeeyay inuu kusoo duulay gobolka Gedo.
C/rashiid Janaan ayaa shacabka gobolka Gedo gaar ahaan degmada Beledxaawo ugu baaqay inay badbaadsadaan Naftooda iyo Maamulkooda Maadaama ay Magaalada sida uu hadalka u dhigay ku qaadayaa waxa uu ugu yeeray dagaal Xaq ah.
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:C/rashiid Janan oo ku hanjabay dagaal lagu qaadayo gobolka Gedo gaar ahaan...