Booliska Soomaaliya oo qabtay koox burcad ah

0
553

Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa howlgal ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho waxaay kusoo gacanta kusoo dhigeen Afar Dhalinyaro Burcad ah, oo xilliyada habeenkii dadka dhici jiray.
Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ee Gobolkan Banaadir Axmed Cabdullaahi Cariif ayaa sheegay in Maamulka degmada iyo Ciidamada Booliska oo iskaashanaya ay qabteen ragga Burcadda ah oo uu sheegay in dadka ay ku dhici jireen Bustoolad Caag ah.
Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga degmada Yaaqshiid ayaa dhankooda sheegay in ragga Burcadda ah ay ahaayeen kuwo dhibaato ku hayay Shacabka degmada, isla markaana ay ku wareejin doonaan Hay’adaha garsoorka dalka si loo Maxkamadeeyo.
Toddobaadyadii la soo dhaafay ayaa dadka kunool degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, ay ka cabanayeen Kooxo Burcad ah oo dhac u geeysanayay, iyadoo dhowr jeer howlgallo laga sameeyay degmooyinka Yaaashiid iyo Kaaraan lagu soo qabtay rag Burcad ah.