Maxay tahay sababta lagala laabtay ciidamada GSU-da ee ilaalinayay hoyga Ruto?

0
829

Waaxda adeegga booliiska dalka ayaa hoos u dhigtay walaacyada ka dhashay ilaaladii lagala laabtay ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto.
Waxaa guriga Dr Ruto oo ku yaala xaafadda Karen ee caasimada wadanka ee Nairobi ilaalo ka ahaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee GSU-da kuwaas oo hadda laga qaaday.
Afhayeenka booliiska dalka Bruno Shioso ayaa sheegay in saraakiishii GSU -da ee ilaalinyay hoyga Ruto lagu beddelay ciidamada nabad sugidda qaybta dhismayaasha dowladda ee SGB.
Waxaa uu xusay in laanta ilaalada madaxtooyada dalka ay sii wadayaan sugidda amniga madaxweyne ku xigeenka.
Dhanka kale xoghayaha isgaarsiinta ee madaxweyne ku xigeenka David Mugonyi ayaa goor sii horreysay sheegay inaysan helin wax sharraxaad ah oo ku saabsan beddelka waardiyahaasha hoyga WillIam Ruto islamarkaana tilmaamay in arrintaasi ay tahay sharci darro ah.
Waxaa uu intaa ku daray in dhammaan ciidamadii GSU-da laga qaaday hoyga Ruto.