Isimo ku shiray Gaalkacyo oo xaalada dalka Soomaaliya war ka soo saaray

0
666

Kulan saacado badan qaatay oo ay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ku yeeshay Odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda degaannada maamulka Puntland ayaa waxay ka soo saareen Warsaxaafadeed ay uga hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya uu hada marayo.
Qodobada ay uga hadleen kulankooda ayaa waxaa ka mid ahaa Doorashadii aqalka sare ee Soomaaliya ee lagu qubtay magaalada Guroowe,Habraaci Doorashadda aqalka hoose ee ay saxiixeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo madaxda Maamul Goboleedyada,U ustaynta Magaaladda Gaalkacyo in lagu qubto doorashada heer federael ee Puntland,Awoodsiinta waxgaradka, Nabadoonadda iyo isimadda gobolka ee xulista ergooyinka dooranaya xildhibaanadda iyo talo ku yeelashada xubnaha beelaha gobolka Mudug u matali doonu heer federal iyo Dhismaha golaha deegaanka ee degmadda Gaalkacyo.
Odayaasha iyo waxgaradka shiray ayaa go’aamiyay in Doorashadda xubnaha labada aqal ee gobolka mudug kasoo gala lagu qabto magaaladda Gaalkacyo ayna casuumad u dirayaan guddiyadda doorashadda ee heer federaal iyo Puntland inay fududeeyaan qabsoomidda doorashadaas oo ay dadka reer Mudug doonayaan inay noqoto mid beeluhu ku doortaan xildhibannadda ay iyagu rabaan oo heysta kalsoonida loogana hortago shakiga laga qubo boobka doorashadda ee lagu maamulay tii aqalka sare.
Ugu dambeyn Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaraska Gobolka Mudug ee kasoo jeeda Puntland ayaa soo saaray qodobo ay shirkooda uga hadleen waxaana ka mid ahaa
1: Shirku waxuu ugu baaqayaa markii saddexaad in Puntland gaar ahaan Wasaaradda arimaha gudaha, dawladaha hoose iyo dimuqraadiyaynta ay bilowdo
dhismaha golaha deegaanka ee degmadda Gaalkacyo si loo baahiyo is maamulka
shacabka loogana baaqsado in hakad ku yimaado mashaariicda horumarineed ee ka
socda degmadda kuwasoo badankoodu ku xiran yihiin jiritaanka golle deegaan oo dadku soo doortaan.
2: Shirku waxuu ugu baaqayaa dhamaan bulsho weynta Puntland inay u istaagaan siddii
loo badbaadin lahaa jiritaanka iyo midnimadda guud ee umadda Sommaliyeed gaar
ahaan kan Puntland loona diyaar garoobo siddii looga hortagi lahaa boobka iyo ku takrifalka awoodeed ee la doonayo in lagu afduubo doorashooyinka aqalka hoose ee
heer federaal isla markaana ay sidda ugu dhaqsaha badan uga qaataan go ‘aamo wax ku
Ool ah oo ay ku muujnayaan dareenkooda.
3: Shirku waxuu ugu baaqayaa isimadda Puntland inay ku dhawaaqaan qabashada
shirweyne looga tashanayo isla markaana lagu badbaadinayo midnimadda iyo jiritaanka
Bulshadda Puntland ayna hormuud u noqdaan in umadda Soomaaliyeed laga budbaadiyo in xukunka dalka ay boobaan shukhsiyaad aan haysan kalsoonidooda oo ku xukuma rabitaankooda baalna mara heshiisyada bulsho oo la isla ogol yahay.
4: Shirku waxuu bogaadinayaa isdhexgalka dadyowga kuwada dhaqan gobolka Mudug
waxuuna ku boorinayaa inay ilaashadaan nabadgalyadooda, horumarkooda iyo
midnimadooda ayna kasoo horjeestaan wax kasta oo wax u dhimaya xasiloonidda iyo
wada jirka bulshadda.
Go’aanadaan la xiriira doorashada ee kasoo baxay Odayaasha Dhaqanka Gobolka Mudug ee Puntland ayaa waxaa ay kusoo aadayaan xilli Musharixiinta Madaxweynaha iyo Siyaasiyiinta ay sheegeen in si musuq maasuq ah ku dhaceen doorashada Aqalka Sare oo qeyb kamid ah la qabtay.