DHAGEYSO:Galmudug oo hay’adaha Samafalka eedaymo u jeedisay

0
584

Wasiirka gargaarka iyo maaraynta musiibooyinka maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug C/raxmaan Makaawi oo warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay xaaladaha binu aadanimo ee ay ku sugan yihiin dad fara badan oo shacabka kuwaasoo Al-shabaab ka soo barakiciyeen deegaano ka tirsan gobolada mudug iyo galgaduud.
Wsiirka ayaa sheegay in dadkaas soo barakacay ay dhibaatooyin dhanka nolosha ah hada wajahayaan isagoo hay’adaha Samafalka ku eedeeyay inaysan ilaa hada wax gargaar ah gaadhsiin dadka shacabka ah eek u barakacay dagaalada Culus ee al-shabaab iyo ciidamada dowlada ku dhexemarayay gobolada mudug iyo Galgaduud labadii bilood ee la soo dhaafay.
Wasiirka gargaarka iyo maaraynta musiibooyinka maamulka Galmudug C/raxmaan Makaawi ayaa tilmaamay in hay’adaha arimaha samafalka ka shaqeeya ay sida uu hadalkiisa u dhigay ku mashquulsan yihiin waxyaabo aan muhiim ahayn, wuxuuna ugu danbaytii ku baaqay in dadkaan gargaar deg deg ah lala soo gaaro.