Shil laga soo tabiyay meel aan ka fogeyn ismaamulka Nakuru ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen 6 ruux.
Waxaa uu shilku u dhexeyay mid ka mid ah baabuurta dadweynaha iyo gaari xamuul qaada.
Ciidamada booliska ayaa laga soo xigtay in labada baabuur ay isku dhaceen xilli ay marayeen goobta loo yaqaano Mbaruk ee waddada wayn ee ismaamullada Nakuru iyo Nairobi.
Taliyaha booliska Nakuru Beatrice Kiraguri ayaa warbaahinta u sheegtay in shilku uu dhacay abaare 7-dii fiidnimo ee xalay ka dib markii wadihii baabuurka xamuulka uu lumiyay xakameynta gaariga taasoo keentay inuu ku dhaco baska yar.
Waxaa hadda la daweynayaa saddex qof oo ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan.