Mas’uuliyiinta bangiga sida gaarka ah loo leeyahay ee Equity Bank oo maanta ka soo hormuuqday guddiga maaliyadda ee baarlamaanka ayaa beeniyay inuu lacag amaah ah oo dhan 15 bilyan oo shilin siiyay Haaruun Aydiin.
Aydiin oo ah ganacsade u dhashay dalka Turkiga ayaa horay looga tarxiilay Kenya ka dib markii lagu eedeyay wax isdaba marin maaliyadeed.
Bangiga ayaa intaa ku daray in ganacsadahan uunan ka mid ahayn macaamiishiisa .
Agaasimaha guud ee bangiga Gerald Warui ayaa xubnaha guddiga maaliyadda ee baarlamaanka u sheegay inaysan jirin cid soo wacday iyadoo doonaysa in amaah la siiyo Aydiin.
Guddiga ayaa baaritaano ku sameynayo hadallo uu jeediyay madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo ay saaxiibo yihiin ganacsadaha dalka laga musaafuriyay.