Amniga dalka oo si wayn loo sugay

0
799

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i ayaa sheegay in si wayn loo sugay oo la isku haleyn karo ammaanka wadanka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in lagu dadaalayo sidii looga hor tagi lahaa in dalka ay rabshado ka dhacaan ka hor doorashada guud ee sanadka soo socdo, inta lagu guda jiro iyo marka laga gudbo ka dib.
Matiang’i ayaa sheegay in hadda aynan Kenya ka jirin wax cabsi oo la xiriirta badqabka shacabka.
Wasiirka ayaa dhanka kale tilmaamay inay dabagal ku hayaan kooxo lala xiriirinayo argagixisada oo ka jiro Mombasa.
Sidoo kale waxaa uu shaaciyay in si dhow loola socdo xaaladda ismaamulka Laikipia oo ay dhawaan uga dhaceen falal amni darro.