Afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa sheegay in muddo hal sano ah ay ka soo wareegatay xilligii dowladda dhexe ay aasaastay xarunta lagala xiriiro waaxda Huduma ee bixiso adeegyada aasaasiga ah.
Waxaa uu xusay in ilaa iyo hadda xaruntan ay qabatay in ka badan 300,000 oo wicitaano ah .
Sidoo kale waxaa shacabka looga fidiyay 126 ah adeegyada dowladda.
Bishii Tobnaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii la billaabay in qofka doonayo in looga adeego xarumaha Huduma uu ballan qabsado taasoo uu hadda afhayeenka dowladda dhexe sheegaya inay yareysay tiradii dadweynaha ee goobahan iskugu tagi jiray.
Sidoo kale waxaa la soo koobay muddadii ay dadweynaha ku qaadan jirtay inay sugaan in loo adeego iyo safafkii dhaadheeraa.
Mr. Cyrus Oguna , afhayeenka dowladda dhexe ayaa dhanka kale sheegay in saameynta cudurka COVID19 laga bartay in lala yimaado istaraatiijiyad cusub oo loogu bixinayo adeegyada dadweynaha.