Ismaamulka Garissa oo kordhiyay xarumaha tallaalka COVID19

0
637

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee ismaamulka Garissa Rooble Nuunow ayaa sheegay in shacabka ku nool bartamaha magaalada Garissa ay tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID19 ka qaadan karaan deegaanka hoose ee Iftiin.
Tani ayaa looga gol-leeyahay in lagu yareeyo ciriiriga ka jiro isbitaalka wayn ee Garissa.
Tallaalka ayaa sidoo kale laga qaadan karaa xarunta caafimaad ee Police Line ama waaxda asluubta.
Wasiir Rooble ayaa intaa ku daray in dadka cudurka looga baaro sidoo kalena looga tallaalo isbitaallada xeryaha qaxootiga ee Dhagaxleey , IFO, Xagardheer iyo xarunta caafimaad ee Medina Health Centre ee magaalada Garissa.
Wasiirka ayaa laga soo xigtay in 24-kii saacadood ee la soo dhaafay 699 qof ay markii ugu horreysay qaateen daawooyinka tallaalka COVID19 guud ahaan ismaamulkaasi.
Waxaa wajiga labaad ee tallaalka ka faa’iidaystay ilaa 46 qof.
Sidoo kale wasiirka caafimaadka ee Garissa Rooble Nuunow ayaa xusay in canug dhallan saddex bilood uu ka mid noqday 29 qof oo uu caabuqa corona ku sameeyay dowlad deegaankaasi sida ay tilmaamayso warbixintii ugu dambeysay ee shalay.
Tiradan ayaa la soo saaray ka dib markii cudur sidaha corona laga baaray dheecaan gaaraya 183 .
Xaaladaha ugu dambeeyay ee COVID19 ee Garissa ayaa laga helay dad kenyaan ah oo isugu jiro 10 rag iyo 19 haween ah oo ay da’a ahaan ugu wayn tahay haweeney 73 sano jir ah.
Wasaaradda caafimaadka ee ismaamulka Garissa ayaa tirada guud ee xaaladaha ay ilaa iyo hadda diiwaangelisay ku sheegtay 1,788 ka dib markii ay baartay dheecaan dhan 16,544 .
Sidoo kale 24-kii saacadood ee la soo dhaafay wax dhimasho oo la xiriirta corona lagama soo tabin Garissa waxayna dhimashada guud weli tahay 97.
Sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka ee ismaamulka Garissa waxaa COVID19 qabo oo isbitaallada kala duwan ku jiro 34 bukaan halka 268 kale lagu daryeelaya guriyaha.
Waxaa agabka bukaanka ka caawiyo neefsashada ee loo yaqaano oksijiinka adeegsanaya 12 bukaan.
Sidoo kale hal maalin gudaheed waxaa Garissa xanuunka COVID19 kaga caafimaaday saddex qof oo dheeraad ah.