Darasaad ay iska kaashadeen machadka cilmi baarista ee arrimaha caafimaadka ee KEMRI ,jaamacadda Nairobi iyo jaamacadda Washington State University ayaa lagu ogaaday in saddex meelood hal meel dadweynaha ku nool caasimadda dalka ee Nairobi uu haleelay cudurka COVID-19.
Waxaa cilmi baaristan su’aalo kala duwan lagu weydiiyay 1,164 qof oo ka soo jeedo 17 deegaan baarlamaneed.
Sida uu cudurka COVID-19 u saameeyay dadweynaha Nairobi ayaa la eegay intii u dhexeysay 2-dii ilaa 23-kii bishii 11-aad ee sanadkii hore.