DHAGEYSO:Guddoomiyaha dhaqanka soomaaliyeed oo ku baaqay in la isku furo ganacsiga Kenya iyo Soomaaliya

0
473

Guddoomiyaha dhaqanka Soomaaliyeed Suldaan Cabdicasiis Cumar Daar oo loo yaqaano Suldaan Bayle iyo waxgarad uu hoggaaminayo oo yimid magaalada Nairobi ayaa sheegay inay doonayaan in la isku furo ganacsiga wadamada dariska ah ee Kenya iyo Soomaaliya.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ujeedka socodkoodu uu yahay sidii dib u heshiisiin loogu sameyn lahaa dalalkan maadaama sida uu hadalka u dhigay uu sanado badan ka dhexeeyay xiriir taariikhi oo dhinacyo badan ah sidaas awgeedna aynan kala maarmin.
Suldaan Beyle ayaa intaa ku daray inay kaalin wayn ka qaadan doonaan sidii wax looga beddeli lahaa hoggaaminta dalka soomaaliyeed maadaama lagu guda jiro xilli la isku diyaarinayo doorasho.