Haweeney dacwad ka gudbisay guddoomiyaha aqalka sare oo ka noqotay dacwaddaasi

0
499

Haweeney dacwad ku soo oogtay guddoomiyaha aqalka sare ee dalka Kenneth Lusaka oo taageero u raadineysay canugga uurka ku jira ayaa hadda meesha ka saartay kiiskaasi.
Arrintan ayaa timid ka dib markii dhinacyadu ay go’aansadeen in dacwaddan lagu dhameeyo meel maxkamadda ka baxsan ka dib wada tashi ballaaran oo ay sameeyeen iyadoo adeegsanayso qareen lagu magacaabo Danstan Omari.
Haweeneydan ayaa sheegtay inaysan wax dhaqaale ah ka raadinayn kiiska ay gudbisay.
Ogaysiiska in dacwaddaan maxkamadda laga saaray ayaa wuxuu ku taariikhaysan yahay 20-kii bishan siddeedaad oo ku beegnayd maalinkii Jimcaha ee aan ka soo gudubnay.
Haweeneyda ayaa maxkamadda dacwadaan u gudbisay iyadoo dalbatay lacag gaareysa 200,000 oo shilin bil kasta si ay taageero ugu hesho ilmaheeda yar ee ay wali uurka ku siddo ama inuu bixiyo guddoomiyaha aqalka sare dhaqaale gaaraya 25 milyan haddii uusan awoodin inuu ka soo baxo waajibaadkiisa koriino ee billaha ah.
Gabadhan ayaa ku andacootay in aabaha cunugga aan wali dhalan Mr. Lusaka uu diiday bixinta waajibaadka ka saaran taageerrada iyo korinta cunugga iyo iyadaba.
Hasa ahaate Kenneth Lusaka ayaan iska diidin inuu yahay aabaha canugga aan weli dhallan sidoo kalena ma uusan gudbin jawaab ka dhan ah dacwadda maxkamadda la hor dhigay ee ugu dambeyn meesha laga saaray.