Bulshada rayidka oo ka soo horjeedsatay habraaca doorashooyinka xildhibaanada Soomaaliya

0
496

Isutaga Bulshada Rayidka Soomaliya ayaa ka soo horjeedsaday hab-raacii doorashooyinka xildhibaanada Golaha Shacabka ee ay dhawaan soo saareen madaxda Golaha Wadatashiga Qaran.
Bayaan ay soo saareen kooxaha bulshada rayidka ayaa waxay welwel kaa muujiyeen geedi socodka doorashoyiinka dalka.
Bulshada rayidka ayaa waxay farta ku fiiqeen in meesha laga saaray doorkii ay ku lahaayeen doorashada.
Isutaga Bulshada Rayidka Soomaliya aya dhanka kale ugu baaqay in odoyaasha dhaqanka, culumo u diinka, wax garadka, haweenka iyo aqoonyahanada Soomaliyeed inay u istaagan sidii looga hortegi lahaa nidaam doorasho oo abuuri kara xasilooni daro.
“Waxaan aaminsan nahay in habraaca ay soo saareyn Golaha Wadatashiga Qaran uu meesha ka saarey doorka bulshada rayidka ee hubinta xulista ergooyinka taasina waxey sheki badan gelineysa suurtogalnimada in dalka ay ka dhacaan doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo xasilooni siyaasadeed dalka u horseeda,” ayaa lagu yiri bayaanka.