Dowladda oo racfaan ka qaadanaysa go’aankii maxkamadda ee BBI

0
725

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Paul Kihara Kariuki ayaa la filayaa inuu maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court u gudbiyo dacwad uu kaga soo horjeedo go’aankii ay dhawaan maxkamadda racfaanka ku ayiday mid bishii shanaad uga soo baxay maxkamadda sare ee wadanka.
Garsoorayaasha ka howlgalo maxkamadda racfaanka iyo midda sare ayaa isku raacay inuu sharci darro yahay geeddisocodka sharci beddelka ee BBI sidaas awgeedna aan lagu tallaabo qaadi karin.
Hasa ahaate sarkaalka dowladda dhexe kala taliyo arrimaha sharciga oo u muuqdo inuusan weli qancin ayaa ku howlan sidii uu cabashadiisa ugu gudbin lahaa maxkamadda ugu sarreysa wadanka.
Waxaa uu ku doodayaa inay jiraan qodobbo muhiim ah oo aynan xaakinnada tixgelin kuwaasoo uu heerka ugu sare u bandhigi doono.