Al-Shabaab oo sheegtay inay la wareegeen deegaan Shabeellada Hoose ka tirsan

0
543

Dagaal culus oo saaka waaberigii hore ka Dhacay gobolka shabeelada Hoose ayaa waxaa ka soo baxaya faahfaahino dheeraad ah.
Degaanka sabiid oo 8-km dhinaca Koonfureed kaga beegan degmada Afgooye ee Goblka Shabeellaha Hoose ayaa dagaal culus saaka ku dhex-maray Ciidamada xoogga Soomaaliya & Xubno ka tirsan dagaalameyaasha Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa ka dib markii Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada dowladda ku leeyihiin Buundada Sabiib, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo muddo socday.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay dagaalka Al-Shabaab khasaare xooggan ku garsiiyeen, balse Al-Shabaab ayaa dhankooda warar ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxaay ku sheegteen inay la wareegeen degaanka Sabiid oo hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Warkan kasoo baxay Ururka Al-Shabaab ee ku aadan inay dagaal kula wareegeen degaanka Sabiid ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaan weli ka hadlin saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya & Maamulka degmada Afgooye.