Khamiista Maanta ah ayuu qorshuhu ahaa in Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya uu ka furmo Shirka Golaha wadatashiga doorashooyinka oo ka kooban Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda shannta Maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Bamaasir, hayeeshee shirka ayaa dib u dhacay Maanta.
15-kii Bishaan ayaa Shir ay aalada fogaan arag ku yeesheen Masuuliyiintaa waxay ku sheegeen in lagu go’aamiyay in shirka uu qabsoomo Khamiista Maanta ah, balse hada ayaa waxaa Muuqda inuu dib uga dhacay xiligii lagu balamay sababo la xiriira Ra’iisul Wasaare Rooble oo dalka Masar ku maqan & Madaxda Maamul Goboleedyada oo aan weli imaan Magaalada Muqdisho.
Shirka Golaha wadatashiga Qaran oo maalmaha soo socda qabsoomaya ayaa diirada lagu saarayaa u diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka , raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka ee aan weli soo xeroon iyo sidii horey loogu socon lahaa.
Warar la helayo ayaa sheegaya in dowlad Goboleedyada qaar ay dalbadeen in hal Magaalo lagu soo koobo doorashooyinka Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka sababo la xiriira culeyso badan oo dhanka Amniga iyo dhaqaalaha ah oo jira, waxaana la filayaa in shirka lagu soo hadal qaado.
Doorashooyinka Soomaaliya ayaa u muuqda kuwo dib u dhacay, waxaana weli si rasmi ah u hirgelin jadwalo doorasho oo dhowr jeer la soo saaray, iyada oo Guddiga hirgelinta doorashooyinka ay isku khilaafeen habraaca doorashoohinka Golaha Shacabka oo xubno ka tirsan Guddiga ay soo saareen.