Maxkamadda Ciidamada Milateriga Soomaaliland ayaa Maanta oo Arbaco xukun dil toogasho ku riday Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland oo 5-tii bishii July ee sanadkaan dil ka geystay Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal.
Maxkamadda Soomaaliland ayaa xukunkaas ku riday Cismaan Diiriye Buraale oo ah Askari lagu soo eedeeyay inuu si bareer ah gudaha Jaamacadda Camuud ee Magaalada Boorama ugu dilay Ibraahim Cabdishakuur Ibraahim oo ka mid ahaa Ardayda Jaamacadaasi dhigata.
Xeer ilaalinta Maxkamadda Milateriga ayaa sheegtay in Cismaan Diiriye uu qirtay inuu dilay Marxuum Ibraahim Cabdishakuur oo Arday ahaa, waxaana Maxkamadeyntiisa oo maalmahan socotay lasoo gaba-geeyay Maanta.
Dilka loo geystay Marxuum Ibraahim oo dhacay 5-tii bishii July ayaa waxaa uu yimid, kadib markii sida la sheegay Askariga iyo isaga uu muran soo kala dhexmaray, kaasoo la xiriiray in Cabdishakuur uu dalbaday inuu soo qaato taleefon uu ku iloobay Fasal uu Imtixaan kugalay, balse uu rasaas ku furay Askariga.
Maxkamadda Ciidamada Milateriga Soomaaliland ayaa horey sidaan oo kale xukuno kala duwan ugu riday Askar iyo dad kale oo dilal ka geysatay gudaha deegaanada Soomaaliland.