Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Deegaanka ceeldheere ee gobolka Galgaduud oo barakaca laga soo sheegayo

DHAGEYSO:Deegaanka ceeldheere ee gobolka Galgaduud oo barakaca laga soo sheegayo

Kadib markii Ururka ALshabaab uu mudooyinkii danbe culeeys dhanka amniga ah soo saaray deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya oo maamulka galmudug gacanta ku hayo ayaa shacabku bileebeen inay deegaanadaas ka barakacaan sida ay sheegayaan wararka Galgaduud ka imaanaya.
deegaano aan laga qaxin intii ay socdeen dagaaladii dhex maray Ahlusunna iyo alshabaab ayaa ka mid ah deegaanada hadal aga soo sheegayo dhaqdhaqaaqa Ururka Alshabaab shacabkuna ay ka barakaceen.
Deegaanka Ceeldheere oo dhawaan weerar ay ku qaadeen Alshabaab ayaa inta la og yahay waxaa ku dhaawacmay laba qof halka uu ku dhintay hal ruux oo kale
bulshadii ku noolayd deegaankaas oo hoos taga magaalada dhuusamareeb ee caasimadda Maamulka Galmudug ayaa u barakacay deegaano kale oo dhaqdhaqaaqyada shabaabku aysan wali gaarin.
qof ka mid ah dadka ka qaxay ceeldheere oo sababo amni u qariyey magaciisa ayaa ka sheekeeyey sida looga barakacay deegaankaas iyo xaalada ka jirta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments