Siyaasiyiinta OKA oo soo saaraya musharrax ku matalaya doorashada 2022-ka

0
533

Hoggaamiyaasha siyaasadeed ee xisbiyada ANC, Wiper, KANU iyo Ford-Kenya ee dhawaan ku midoobay dalladda OKA ayaa sheegay inay soo saari doonaan musharrax ku matali doono xilka madaxtinimo ee doorashada soo socoto.
Tani ayaa timid ka dib kulan ay labadii cisho ee ugu dambeeyay ku yeelanayeen magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru.
Sidoo kale guddi farsamo oo loo xilsaaray isku dubarida howlaha siyaasadeed ee OKA ayaa shalay madaxda u gudbiyay warbixin.
Hoggaamiyaasha ayaa sheegay in OKA ay u taagan tahay xurriyad, midnimo qaran , sinnaanta dhanka fursadaha dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.
Dhanka kale siyaasiyiinta OKA ayaa madaxweyne Uhuru Kenyatta ugu baaqay inuu tallaabo ka qaado saraakiisha dowladda ee ku takriifalo kheyraadka dadweynaha.