Madaxweynaha Maamulka Hirshaebelle oo Maanta Jowhar Dib ugu laabtay

0
496

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmahaan ku sugnaa Magaalada muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa Maanta waxay dib ugu laabteen Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hir-Shabeelle.
Garoonka diyaaradaha Magaalada Jowhar waxaa kusoo dhaweeyay, mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Xubno ka tirsan labada Gole iyo Saraakiil Ciidan.
Safarka Madaxweynaha Hir-Shabeelle uu ku tegay magaalada Jowhar ayaa ahaa mid deg deg ah, xilli lagu wado in saacadaha soo socda uu halkaas tago Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Amb, Jemis Swan.
Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa uu ku sugnaa muqdisho, waxaana kulamo looga hadlayo doorashooyinka uu la qaatay, Madax ka tirsan dowladda,Maamul goboleedyada, Midowga Musharixiinta & Beesha Caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here