Maxkamadda Rafcaanka ee dalka ayaa Jimcaha soo saari doonta go’aan ku saabsan masiirka hindise sharciyeedka wax looga beddelaya xeerarka BBI.
Guddi ka kooban toddobo xaakinno ah oo uu hoggaaminaya garsoore Daniel Musinga ayaa la filayaa inuu ayido go’aankii ay maxkamadda sare ee wadanka ku joojisay qorshaha BBI ama ay waxba kama jiraan ka soo qaado si loogu gudbo afti dastuuri ah.
Daniel Musinga ayaa go’aanka maxkamadda racfaan ku dhawaaqi doono isagoo kaashanaya garsoorayaasha kale ee ah Hannah Okwengu, Patrick Kiage, Fatuma Sichale, Gatembu Kairu, Roselyne Nambuye iyo Francis Tuyyoit.
Hadii maxkamadda racfaanka ee dalka ay buriso go’aankii maxkamadda sare waxaa suuragal ah in dhinacyada taageersan hannaanka BBI ay u gudbaan maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court iyagoo raadsanaya mowqif ay ku qanacsan yihiin.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga oo ka mid ah siyaasiyiinta hor kacaya hindise sharciyeedka BBI ayaa horay u sheegay inuu tixgelin doono go’aanka maxkamadda.
Waxaa dacwadda racfaanka ah gudbiyay Raila Odinga, madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta , xoghaynta BBI iyo guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada wadamka ee IEBC.
Tani ayaa timid ka dib markii maxkamadda sare ay hor istaagtay iyadoo sharci darro ku tilmaantay qorshaha lagu beddelaya dastuurka Kenya ee BBI.
Garsoorayaasha maxkamadda sare ee kala ah Joel Ngugi, George Odunga, Jarius Ngaah, Chacha Mwita iyo Teresiah Matheka ayaa xillgaasi sheegay in madaxweynaha wadanka Uhuru Kenyatta uu ku xadgudbay dastuurka gaar ahaan cutubka 6-aad markii uu qayb ka noqday aasaaska geeddisocodkan .
Hasa ahaate qareen lagu magacaabo Waweru Gatonye oo matalaya dowladda ayaa sheegay in garsoorayaasha maxkamadda sare ay ku qaldameen amarka ay ku laaleen BBI.
Raila Odinga ayaa dhankiisa muujiyay rajo ah in maxkamadda racfaanka ay tixgelin doonto codsiyada la hor dhigay isagoo xaqiijiyay inuu u hoggaansami doono amarka lagu dhawaaqaya Jimcaha.
Isbeddellada la soo jeediyay ee muranka dhaliyay waxaa ka mid ah in la soo kordhiyo 70 deegaan baarlamaneed .
BBI ayaa hadii la dhaqangeliyo horseedaysa in wadanka uu yeesho madaxweyne, ku xigeenkiisa , ra’iisul wasaare iyo labadiisa ku xigeen.
Sidoo kale waxaa jiri doono labo senatar oo kala ah rag iyo haween oo matalaya ismaamullada.
Barasaabka ismaamulka hadii uu qof rag ah yahay waxaa laga doonayaa inay ku xigeen u noqoto haweeney.
BBI ayaa timid ka dib markii 9-kii bishii saddexaad ee sanadkii 2018-kii ay is gacan qaaadeen sidoo kalena heshiyeen hoggaamiyaha dalka iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga.
Heshiiskaasi ayaa ku soo beegmay xilli gudaha dalka ay ka jirtay kala qaybsanaan siyaasadeed oo ka dhalatay doorashadii 2017-kii oo la isku maan-dhaafay.