Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:C/wali Cali gaas oo ka hadlay Dagaalka Gobolka Gedo

DHAGEYSO:C/wali Cali gaas oo ka hadlay Dagaalka Gobolka Gedo

Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya sidoo kalena ahaa Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland C/wali Cali gaas oo ka hadlay Dagaalkii 25-kii bishaan ka dhacay magaalada Beledxawo ee gobolka Gedo ayaa sheegay in waxyeelada shacabka ka soo gaartay dagaalkaas ay Masuuliyadeeda qaadayaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Kan Jubaladn Axmed Madoobe.
C/wali Cali Gaas ayaa sheegay inay Nasiib daro tahay in Xiligaan deegaanada Soomaaliya laga huriyo dagaalo siyaasadeed oo sida uu sheegay dano gaar ah laga leeyahay dhibaarooyina ay ka soo gaaraan dadka shacabka ah ee aan waxba Galabsan.
C/wali Cali Gaas Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland marna soo noqday Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa madaxweynaha Soomaaliya iyo kan Jubaland ugu baaqay inay wada hadal ku dhameeyaan waxkasta oo ay kala tabanayaan wuxuuna sidoo kale sheegay in laga fogaado waxkasta oo dhiiga shacabka lagu daadinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments