Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Banbaano lagu weeraray Barkontrool oo Walanweyn ku taala

Banbaano lagu weeraray Barkontrool oo Walanweyn ku taala

Wararka aan helaynaya ayaa waxay sheegayaan in Weerar bambaano xalay lagu qaaday Bar-koontorool oo Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed ku leeyihiin degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan sida ay warbahainta guduhu qorayso.
Goobta weerarka Bambaano lagu qaaday ayaa waxaay ku taal dhanka galbeed wadada aada magaalada Beydhabo ee xarunta Gobolka Baay, waxaana dadka ugu badan ee wax ku noqday lagu sheegay inay yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed waxaaan weerarkaas kadib la maqlayay raasaas sida ay goobjoogeyaal sheegeen.
Askarta ku dhaawacantay weerarkaasi bambaano ayaa waxaa la geeyay Isbitaalka degmada Walanweyn,weerarkas kadibna ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa waxay sameeyeen howlgal ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay.
Degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa labadii sano ee la soo dhaafay waxaa kajiray xaalado amni darro oo ay ugu weyn tahay dagaalo laba maleeshiyo Beeleed ku dhex-maray Gudaha iyo daafaha degmada Walanweyn ayadoo mararka qaarna ay weeraro noocaan oo kale ah ay ka dhacaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments