DHAGEYSO:Madaxweyne ku xigeenka dalka oo difaacay qorshahiisa siyaasadeed

0
791

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xilli uu maanta ku sugnaa xaafadda Kawangware ee magaalada Nairobi waxaa uu sheegay in la joogo xilligii ololaha siyaasadeed uu noqon lahaa mid ku saleysan kobcinta dhaqaalaha wadanka.
Waxaa uu xusay in aynan muhiim ahayn in mar kasta laga hadlo awood qaybsi iyo in siyaasiyiinta ku guuldareysto doorashooyinka ay qabtaan xilalka bulshada loogu adeego.
William Ruto ayaa tilmaamay in hadii kobaca dhaqaale ee dalka laga soo billaabo meel hoose ay wadanka u horseedeyso xasilooni buuxda.
Waxaa uu ku celceliyay in xisbiga UDA ay ka go’an tahay taageeridda ganacsatada yaryar iyo dhallinyarada wajahaya shaqo la’aanta