Golaha Midowga Musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya ayaa shir saddex maalmood soconaya wuxuu uga socda magaalada Muqdisho iyagoo ka wadahadlaya arrimo la xiriira doorashada dalka.
Kulanka oo shalay furmay ayaa waxaa Midowga musharixiinta ay diirada ku saarayaan walaaca iyo walwalka ay ka qabaan doorashada labada aqal iyo qaabka ay Madaxda Dowlad Goboleedyada u maareeynayaan iyo hufnaan la’aanta ka muuqata doorashooyinkii Aqalka Sare.
Shalay ayaa Midowga Musharixiinta ay dood adag ka yeesheen sida ay u dhaceen doorashooyinkii Aqalka Sare iyo in laga hortaggo in doorashada Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka ay u dhacdo sida ay ku socdaan doorashooyinka Aqalka Sare.
Musharrax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle oo ah musharixii ugu horreeyay ee ka tirsan Midowga musharixiinta ee Maalin ka hor shaaciyay in doorashooyinka Aqalka Sare ay ku bilaawdeen hufnaan la’aan taas oo keentay in Midowga Musharixiinta ay kulan deg deg ah yeeshaan,
Berri ayaa la filayaa in Midowga Musharixiinta ay kulankooda soo geba-gabeeyaan, isla markaana ay kasoo saaraan Warsaxaafadeed ay ku caddeynayaan mowqifkooda doorashooyinkii Aqalka Sare ee dhacay iyo kuwa Aqalka hoose ee dhawaan qabsoomaya.
Home Wararka Soomaaliya Midowga musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya oo saluugsan doorashooyinka Soomaaliya