Guddoomiyaha guddiga madax banaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa Soomaaliya Abuukaate Maxamad Xuseen Xaamud ayaa Bogaadiyay in dowladda Soomaaliya ay ku guulaysatay hirgalinta Guddiga ka hortagga Wax isdabamarinta
Waxaa uu sheegay in 14-ka Ogoosta ay hadda Maalin umadda Soomaaliyeed ku weyn oo ay u bilaabatay geedi-socod Hor leh oo ku saabsan wax ka qabashada Musuqmaasuqa.
Abuukaate Maxamed Xuseen Xaamud ayaa sidoo kale sheegay in guddiga ay hor yaalaan Waajibaadyo Culus oo u baahan dhaqangelin, isagoona sheegay inay La Xisaabtami Doonaan dhamaan Hay’addaha Dowladda