Guddoomiyaha Urrurada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed Cismaan Muxudiin Shaatax ayaa sheegay inaysan ku niyad Samayn sida ay ku bilaawdeen doorashooyinka dalka,oo uu sheegay inay dhibaato ku noqon doonto dowladda soo socota.
Wuxuu intaas ku daray in sida ay u dhaceen doorashooyinka Aqalka sare ay yihiin kuwo billow u ah musuq maasuq baahsan oo ay wajihi doonto dowladda Soomaaliya ee la dhisayo.
Guddoomiyaha Urrurada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed Cismaan Muxudiin Shaatax ayaa sheegay inay rajo ka qabaan in Madaxda dowlad Goboledyada ee gacanta ku haaya doorashooyinka ay dareemaan waxa ay musuq maasuqayaan inay yihiin wax ay la Shaqeyn doonaan Afarta sano ee soo socota.
Ugu dambeyn guddoomiye Shaatax ayaa ka dalbaday in Madaxda Maamul Goboleedyada in looga baahan yahay inay ilaaliyaan nidaamka doorashada si ay u helaan dad matala degaannada ay maamulaan.
Hadalka kasoo yeeray Guddoomiyaha Urrurada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa kusoo aadaya xilli Midowga Musharixiinta ay walaac ka muujiyeen sida ay ku billowdeen doorashooyinka Aqalka sare ee Soomaaliya.
Dhanka kale Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa lagu wadaa inay Maanta ka dhacdo doorashada Saddex kursi oo ka harsan Sideeda kursi ee Aqalka Sare ku matala Koonfur Galbeed.
Labadii Bishaan ayaa waxaa Magaalada Baydhabo lagu doortay Shan kursi oo kamid ah 8 kursi ee Aqalka Sare ku leedahay Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana Maanta lagu wadaa in la dhameystiro Kuraasta dhiman.
lix Musharax ayaa ku tartami doona Saddexda Kursi ee doorashadoodu ka dhaceysa Magaalada Baydhabo,kuwaasoo marka hore khudbadahooda musharaxnimo u jeedin doona Wakiilada Koonfur Galbeed.
Xasan Xuseen Xaaji oo ah Wasiirka Gaashaandhigga dowlada Soomaaliya iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa ku tartamaya Kursiga Koobaad Maanta,Cali Sheekh Maxamuud Gacal iyo
Cabdiqadir Cabdi Axmed ayaguna waxay ku tartamayaan Kursiga Labaad ee Maanta la dooranayo halka Kursiga Sadexaadna ay ku Tartamayaan Cabdiwali Maxamed Ibraahim (Xaabsade) iyo Cabdullaahi Roobow Maxamed
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqon doona Maamulkii labaad ee dhameystira doorashada Aqalka Sare, waxaana kasii horreeyay Maamulka Puntland oo dhamaan doortay 11 Xubnood ee ku matala Aqalka Sare.
Sidoo kale Maamulka Jubbaland oo doorashada bilaabay ayaa doortay Afar Xubnood halka Maamulka Galmudug lix kursi ay doorteen una harsan yihiin laba kursi oo ay ku loolami doonaan siyaasiyiin saameyn ku leh degaannada Galmudug.
Home Wararka Soomaaliya Ururrada bulshada rayidka soomaaliyeed oo sheegay inay doorashooyinku musuqmaasuq ku bilowdeen