Saraakiil ka tirsan IEBC oo la guddoonsiiyay abaalmarin

0
552

Sideed sarkaal oo ka tirsan guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee (IEBC) ayaa lagu abaalmariyay sida hufan ay u maareeyeen doorashooyinkii ku celiska ahaa ay ka dhacay qaybo ka mid ah dalka.
Guddoomiyaha guddigan Mr. Wafula Chebukati ayaa sheegay in saraakiisha abaalmaarinta la guddonsiiyay ay si sharci ah u maamuleen doorashooyinkii ku celiska ahaa.
Waxaa uu intaa ku daray in saraakiisha ay si wanaagsan howshi loo igmaday u guteen, inkastoo ay la kulmeen weerarro uga yimid siyaasiyiinta iyo saraakiisha amniga.
Mr. Chebukati ayaa xusay in saraakiisaha qaar ay dhaawac iyo dhibaateyn kala kulmeen siyaasiyiinta iyo saraakiisha amniga balse doorbideen inay la socdaan doorashooyinka ilaa laga soo gabagabeeyo.
Waxaa saraakiishan abaalmaarinta guddonsiiyay guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee (IEBC) Wafula Chebukati