Qoorqoor” Dalku wuxuu ku heshiiyay doorasho dadban marka doorasho dadban siday tahay iyo sidii ay ahayd beey ku socotaa”

0
603

Madaxweynaha Galmudug Axmad Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa sheegay in doorashadii dhawaan ka dhacday Galmudug ee Aqalka Sare ee Soomaaliya ay jireen dad reer Galmudug oo u soo jeediyay dhaliilo kala duwan.
Waxaa uu sheegay in doorasada ay ahayd mid dadban , islamarkaana ay ku socoto sidii dad baneyd ee loo baahan yahay in loo dul qaato.
“Dalku wuxuu ku heshiiyay doorasho dadban marka doorasho dadban sideey tahay iyo sidii ay aheyd beey ku socotaa, hadadan adiga kursi ka soo helin ama midaa rabtay uusan kursi ka helina in xumani dhacday micnaheeda ma ahan horay aaan u socono.” Ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor
Waxaa uu intaa ku daray “Adeer qofkasta oo Soomaali ah ee soo baxa hadaa tahay musharax cod ka bari cod warso, waxaan leenahay u dulqaado dalka doorashada uu ku heshiiyay si xun wax uu sheegna ha noqonin meeshii lagu tartami jiray xumaanta waa laga soo gudbaywanaaga aaad soo bandhigto ayaa laguugu dooranayaa”
Madaxweynaha Galmudug ayaa hor istaagay Musharaxiin badan oo doonayay in ay u tartamaan Aqalka Sare ka dib markii uu ka reebay, waxaana lagu eedeeyay in uu soo qoray shaqsiyaad asaga taageersan.