Aaska wakiilkii hore ee haweenka Kwale oo aan laga jeedin karin khudbad siyaasadeed

0
537

Qoyska wakiilkii hore ee haweenka ee ismaamulka Kwale Saynab Chidzuga oo shalay geeriyootay ayaa sheegay in siyaasiyiinta ka soo qaybgeli doono aaskeeda loo oggolaan doonin inay goobtaasi ka sheegaan arrimo ku saabsan siyaasadda.
Waxaa uu qorshuhu yahay in marxuumadda la aaso gelinka dambe ee maanta.
Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Chirau Cali Makwere islamarkaana ah afhayeenka qoyska haweeneyda geeriyootay ayaa sheegay in siyaasiyiinta maxaliga ee ka soo qaybgeli doono aaska la oggolaan doonin inay khudbad halkaasi ka jeediyaan ilaa ay oggolaansho ka helayaan qoyska marxuumadda.
Waxaa uu intaa ku daray in keliya madaxweynaha dalka ama wakiil uu soo dirsaday loo oggolaan doono inuu hadlo.
Meydka wakiilkii hore haweenka ee ismaamulka Kwale ayaa lagu aasi doonaa gurigeeda Golini oo ku yaalla xaafadda Matuga ee dowlad deegaankaasi.
Hoggaamiyayaal kala duwan oo ka soo jeedo ismaamulka Kwale ayaa la filayaa inay ka soo qaybgalaan munaasabadda aaska oo ay ka mid yihiin guddoomiyaha dowlad deegaankaasi Saalim Mvurya, xoghayaha joogtada ee wasaaradda beeraha ee dalka Xamadi Boga iyo mas’uuliyiin kale.